HomeWararAkhriso:-Qodobo Cadaadis lagu saarayo Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Akhriso:-Qodobo Cadaadis lagu saarayo Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, cadaadis ku saareysa fulinta Qodobo muhiim ah. Qoraal kooban oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada loogu baaqay inay sii wadaan iskaashiga ka dhexeeya, isla markaana si hufan u fuliyaan heshiisyadii ay horey u wada gaareen. Sidoo […]

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, cadaadis ku saareysa fulinta Qodobo muhiim ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada loogu baaqay inay sii wadaan iskaashiga ka dhexeeya, isla markaana si hufan u fuliyaan heshiisyadii ay horey u wada gaareen.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxda ayaa la faray inay sii wadaan Arrimaha la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan 2020/2021, una diyaar garooban qabashada Doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda si nabad ah.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay ilaaliyaan qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan iyo xubno ka ka socday Beesha Caalamka ay gaareen Magaalada Dhuusanareeb, iyagoona kulan la qaatay Madaxweyne Qoorqoor.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories