HomeWararXildhibaan Cusub oo kamid noqday Baarlamaanka Maamulka Puntland  

Xildhibaan Cusub oo kamid noqday Baarlamaanka Maamulka Puntland  

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulankii labaad kal-fadhigiisa 47-aad Maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cabdirashiid Yuusuf Jaabir. Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad. Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL, MARKUU ARKAY:- […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulankii labaad kal-fadhigiisa 47-aad Maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cabdirashiid Yuusuf Jaabir.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

- Advertisement -

Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL,

MARKUU ARKAY:- Qodobka 61-aad iyo Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

- Advertisement -

MARKUU ARKAY:- Qoraalka ku taariikhaysan 30/09/2020 ee Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud oo ah saxiixa xubintaas uu Golaha Wakiillada u soo gudbiyey in Ayuub Nuur Muuse uu buuxiyo kursiga xubinta Golaha Wakiillada ay Beeshu ku leedahay ee uu banneeyey Xildhibaan hore Allaah u naxariistee Daa’uud Nuur Muuse.

MARKUU HUBIYEY: In Ayuub Nuur Muuse( Riyaax) uu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Puntland.

WUXUU GUDDIGU SOO JEEDINAYAA:

In Ayuub Nuur Muuse (Riyaax) uu Golaha ka hor akhriyo taariikh-nololeedkiisa, kadibna loo dhaariyo ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Waxaana si rasmi ah Maxkamadda sare ee Puntland ugu dhaarisay ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dasuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories