HomeWararXiisad ka taagan Laascaanood iyo Ciidamo lagu daadiyay Waddooyinka

Xiisad ka taagan Laascaanood iyo Ciidamo lagu daadiyay Waddooyinka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta ay gudaha Magaaladaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsa Somaliland. Xiisada ayaa ka dhalatay, kadib markii rag maleeshiyaad ay si xoog ah xabsiga Laascaanood ugala baxeen saddex ruux oo muddo ku xirnaa, isla markaana lagu […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta ay gudaha Magaaladaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsa Somaliland.

Xiisada ayaa ka dhalatay, kadib markii rag maleeshiyaad ay si xoog ah xabsiga Laascaanood ugala baxeen saddex ruux oo muddo ku xirnaa, isla markaana lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah.

- Advertisement -

Dad ku sugan Magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in dadka maleeshiyaadka ay xabsiga kala baxeen ay yihiin kuwo dad shacab ah ku dilay weerar ka dhacay koonfurta Laascaanood, balse markii dambe gacanta lagu soo dhigay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in saddexda ruux ee Maleeshiyaad kala baxeen xabsiga la aadeen dhinaca Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay, isla markaana Ciidanka Booliska Somaliland ay wadaan dadaalo dib loogu soo celinayo dadkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee gudaha Magaalada Laasaacood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana la sheegay xaaladda halkaas ka jira ay tahay mid kacsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories