HomeWararShuruudo lagu xiray dadka xilalka ka qabtay DFS ee ku laabanaya Somaliland...

Shuruudo lagu xiray dadka xilalka ka qabtay DFS ee ku laabanaya Somaliland oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweye Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadashay Cafis ay u fidiyeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shalay gaaray Magaalada Hargeysa. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Mas’uulkii kasoo jeeda deegaanadooda ee xil ka qabta dowladda Federaalka Soomaaliya […]

- Advertisement -

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweye Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadashay Cafis ay u fidiyeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shalay gaaray Magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Mas’uulkii kasoo jeeda deegaanadooda ee xil ka qabta dowladda Federaalka Soomaaliya la cafin karo oo kaliya markii uu iska casilo xilka uu haayay DFS, kuna dhawaaqo inuu ka tasaasulay fikirka midnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Somaliland ayaa shuruudo ku xirtay Mas’uuliyiinta xilalka ka qabta ee tega deegaanadeeda, iyagoona sheegay in Mas’uulka laga cafin karo markii si cad uga baxo fikir ah midnimada Soomaaliya, isla markaana sheego in mar kale uusan ku laaban dooni tallaabadaas.

Waxaa kaloo Somaliland sheegtay in dadka kasoo jeeda deegaanadooda u siman yihiin Dastuurka u yaalla, isla markaana aysan ka jeesan dad ay ku sheegeen in Maamulkooda ay ku hayaan dhagar-jebin.

Si kastaba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaabil oo shalay gaaray Magaalada Hargeysa, isagoona halkaas u tegay aabihiis oo xanuunsan.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories