HomeWararRa’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wasiir kale oo Maanta la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wasiir kale oo Maanta la dhaariyay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Faaduma Axmed Nuur ayaa Maanta loo dhaariyay xilalka loo magacaabay. Guddoomiyaha Maxkamadda  Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Mahdi Guuleed iyo Faaduma ku dhaariyay Xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka. “Waxaan maanta tagay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Faaduma Axmed Nuur ayaa Maanta loo dhaariyay xilalka loo magacaabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda  Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Mahdi Guuleed iyo Faaduma ku dhaariyay Xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

“Waxaan maanta tagay Xarunta Golaha Shacabka aniga oo gutay dhaarta dastuuriga ah, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu igu garab galo howsha qaran ee la ii igmaday” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo Qoraal soo saaray.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa dalka ka maqnaa markii la dhaarinayay Golaha Wasiirada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana Mahdi uu safar ugu maqnaa dalka Uganda, isagoona dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa maalintii sabtida aheyd Codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo la dhaariyay Golaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories