HomeWararPuntland oo ka hadashay degaano ka tirsan Sanaag oo Al-shabaab qabsadeen

Puntland oo ka hadashay degaano ka tirsan Sanaag oo Al-shabaab qabsadeen

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kadib markii Al-shabaab ay sheegeen inay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa Warkaas ka hadashay dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni. Taliyaha Ciidanka Puntland ee Gobolka Sanaag General Cabdullaahi Cumar Canshuur oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Al-shabaab aysan si toos ah ula wareegin deegaano […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kadib markii Al-shabaab ay sheegeen inay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa Warkaas ka hadashay dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

Taliyaha Ciidanka Puntland ee Gobolka Sanaag General Cabdullaahi Cumar Canshuur oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Al-shabaab aysan si toos ah ula wareegin deegaano ka tirsan Gobolkaas, hayeeshee si qarsoodi ah ku joogaan Gobolka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliyaha Cabdullaahi Cabshuur in haatan aysan jirin meel ka tirsan Sanaag oo fariisimo ay ku leeyihiin Al-shabaab, isagoona beeniyay wararka ay faafiyeen Al-shabaab, waana sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka kunool deegaanada Puntland ay gacanta ku heyso ee Sanaag ayuu Taliyaja Ciidanka ka dalbaday la shaqeynta Ciidanka Maamulka, wuxuuna sheegay inay Shabaab la geli doonaan dagaal adeg.

War qoraal ah oo Al-shabaab barahooda dhinaca Internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Sanaag.

- Advertisement -

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay inay la kulmeen Waxgarad ku sugnaa deegaanada ay qabsadeen, isla markaana muxaadarro u soo jeediyeen dadka oo ay isugu geeyen goob fagaare ah oo ku taalla halkaas, sidoo kalena gacanta ay ku dhigeen gaari siday Khamri.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts