HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo amar siiyay laamaha Amniga Galmudug iyo Hay’addo

Madaxweyne Qoorqoor oo amar siiyay laamaha Amniga Galmudug iyo Hay’addo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka qeybgalay musaanabad lagu dhaarinayey Guddoonka Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland. Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo ku-xigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka qeybgalay musaanabad lagu dhaarinayey Guddoonka Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland.

Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo ku-xigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor.

- Advertisement -

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Gudoomiyaha Maxakamadda Sare,
Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno katirsan labadda gole ee dowladda iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka,
Isagoona faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Qoorqoor ayaa amray dhamaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo qirayna in aysan jirin cid sharciga ka sareysa , sharciga hortiisana loo wada siman yahay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories