HomeWararMaxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Taiwan?

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Taiwan?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Taiwan ku leeyahay Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi. Kulankaasi ayaa waxa looga wada hadlay adkaynta xiriirka  labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Taiwan ku leeyahay Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

Kulankaasi ayaa waxa looga wada hadlay adkaynta xiriirka  labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii Taiwan uga caawin lahaa Somaliland mashaariicda biyo ballaarinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xireenka iyo sidii Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

- Advertisement -

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo Madaxweynaha uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xiriirka labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories