HomeWararMaamule Shirkad oo lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo

Maamule Shirkad oo lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goordhow xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Nin la sheegay inuu maamule Shirkad ahaa, sida ay sheegayaan Wararka aan heleyno. Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda calanleey ee Kismaayo, waxaana Ninkaas rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, isla […]

- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goordhow xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Nin la sheegay inuu maamule Shirkad ahaa, sida ay sheegayaan Wararka aan heleyno.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda calanleey ee Kismaayo, waxaana Ninkaas rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, isla markaana uu goobta ku geeriyooday.

- Advertisement -

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Shig-shigow oo la tilmaamay inuu ahaa Maamulada Shirkadda Xawaalada AMAL ee Xarunteeda Magaalada Kismaayo.

Raggii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa goobta uga baxsaday Luuq yar oo xiligaas goobta Agdhawaa, waxaana daqiiqado kadib xaafadda calanleey tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Maamulka Jubbaland, iyagoo qaaday Meydka Marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaas waxaa ay kusii daraya in Ciidanka Amniga Jubbaland ay wadaan howlgal baaritaano ah oo lagu doonayo in lagu soo qabtay ragii ka dambeeyay falkii dhacay.

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xaayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan dhalinyaro hubeysan, waxaana halkaas horey uga dhacay dilal iyo qaraxyo Ismiidaamin ah oo Khasaaro geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories