HomeCaalamkaErdogan oo mar kale ku celiyay Jawaabtii ka careysiisay M/weynaha Faransiiska

Erdogan oo mar kale ku celiyay Jawaabtii ka careysiisay M/weynaha Faransiiska

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale Axaddii ku celiyey in maskaxda laga baaro madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka. Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray islaamiyiinta, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale Axaddii ku celiyey in maskaxda laga baaro madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka.

Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray islaamiyiinta, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiisa la baaro,” sababtoo ah waxa uu “malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan ula dhaqmaya sidan.”

Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeertao safiirkeedii Ankara.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku celiyey hadalladaas Axaddii, isaga oo ku eedeeyey Macron “inuu ku waashay Erdogan maalin iyo habeen”.

- Advertisement -

Xiriirka Macron iyo Erdogan ayaa dhowaanahan sii xumaanayey sababo la xiriira juqraafi siyaasadeedka gobolka, sida muranka badda ee Greece iyo Turkey iyo dagaalka Armenia iyo Azerbaijan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts