HomeWararDowladda Sweden oo ka caawineysa Somalia ku biirista Urur Caalami ah

Dowladda Sweden oo ka caawineysa Somalia ku biirista Urur Caalami ah

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Mr.Robert Peszkowski oo ka socday safaaradda Sweden ee Soomaaliya. Wasiiru-dawlaha oo kulankiisa ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha, ayaa kulanka loogga hadlay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya […]

- Advertisement -

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Mr.Robert Peszkowski oo ka socday safaaradda Sweden ee Soomaaliya.

Wasiiru-dawlaha oo kulankiisa ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha, ayaa kulanka loogga hadlay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Aduunka(WTO) taas oo dawladda Sweden ay Soomaaliya ka caawinayso ku biiritaanka ururkaasi.

- Advertisement -

Dhinacyadu, waxa ay isla soo hadal-qaadeen sida ugu habboon ee ay iskaga kaashan karaan buuxinta shuruudaha loogga baahan yahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaasi, waxaana ay muujiyeen inay ka go’an tahay ka midho dhalinta arrintan.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories