HomeCaalamkaDowladda Australia oo Cabasho ka dhan ah Haween u gudbisay Qatar

Dowladda Australia oo Cabasho ka dhan ah Haween u gudbisay Qatar

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Australia ayaa “cabasho xooggan” u dirtay dhiggeeda Qatar, kadib markii haween dalkaas u dhashay la sheegay in lagu sameeyay baaritaan jirka hoose ah xilli ay raaci rabeen diyaarad u kala gooshaysay Dooxa iyo Sydney. Baaritaanka ayaa sida la sheegay dhacay kadib markii qof shaqaalo ka ah garoonka caalamiga ah ee Xamad uu arkay ilma […]

- Advertisement -

Dowladda Australia ayaa “cabasho xooggan” u dirtay dhiggeeda Qatar, kadib markii haween dalkaas u dhashay la sheegay in lagu sameeyay baaritaan jirka hoose ah xilli ay raaci rabeen diyaarad u kala gooshaysay Dooxa iyo Sydney.

Baaritaanka ayaa sida la sheegay dhacay kadib markii qof shaqaalo ka ah garoonka caalamiga ah ee Xamad uu arkay ilma markaas dhashay oo lagu tuuray suuli ku yaal garoonka.

- Advertisement -

Canuga oo aan weli la aqoonsan ayaa waxaa la wareegtay dowladda Qatar oo xanaanadiisa gacanta ku haysa.

Dumarka la baaray si loo ogaado inay canuga dhaleen ayaa waxaa kamid ahaa 13 u dhashay waddanka Australia.

Haweenkaas ayaan loo sheegin sababta loo baaray, waxaana ay raaceen diyaaradda Qatar Airways oo duulimaadka samaysay 2-dii bishan October.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories