HomeWararBooliska Somaliland oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Hal Million oo...

Booliska Somaliland oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Hal Million oo Doollar

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen lacag ka badan hal Milyan oo Doollarka Madow ah, taasi oo ay sheegeen in ay kusoo qabteen howlgallo ay sameeyeen. Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan lagataas False-da ah, ayna gacanta […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen lacag ka badan hal Milyan oo Doollarka Madow ah, taasi oo ay sheegeen in ay kusoo qabteen howlgallo ay sameeyeen.

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan lagataas False-da ah, ayna gacanta ku hayan dadkii watay lacagtaasi lasoo qabtay, waxaan intaas uu ku daray in ay sharciga horgayn doonaan eedeysane yaal uu sheegay in falka lagu soo qabtay.

- Advertisement -

Dadka lagu eedeyay in ay lacagtaas wateen ayaa waxaa uu sheegay in ay ka mid yihiin laba qof oo kasoo jeeda degaanada puntland iyo ruux kale, waxaana Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi uu sheegay in ay dhammaantood gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sheegay Afhayeenku in dadka la qabtay ay Khatar ku ahaayeen ammaanka iyo Sarifka lagaca Somaliland, waxaana uu digniin u diray dad kale oo uus heegay in ay ku howlan yihiin lacago Doollar been abuur ah oo ay soo galinayan degaanada Somaliland.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories