HomeWararWasiir ballan qaad u sameeyay bulshada deegaan dhawaan ay Miino kula qaraxday...

Wasiir ballan qaad u sameeyay bulshada deegaan dhawaan ay Miino kula qaraxday Caruur

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka waxbarashada Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo socdaalka ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu maanta booqday iskuulka deegaanka Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku qarxay gumac ka haray dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay “Waxaan saakay ku jarmaadnay […]

- Advertisement -

Wasiirka waxbarashada Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo socdaalka ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu maanta booqday iskuulka deegaanka Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku qarxay gumac ka haray dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay

“Waxaan saakay ku jarmaadnay Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah oo waxkabarta iskuulka Bangeelle uu Gumac ay garaacayeen ku qarxay,waxaana ujeedka safarka uu ahaa inaan xanuunka iyo tiiraanyada la qeybsanno shacabka Bangeelle gaar ahaan qoyasaskii ay dhibaatadu sida gaarka ah ugaartay.

- Advertisement -

“Bangeelle waa goob hadda barwaaqo ah oo xalay ay seymo roob daad-xoor ku reebeen,waxaana banka udhexeeya Xananbuure iyo Bangeelle ku sii marnay geel gelgelin ka celin ah iyo awr sabar yarowday oo dhibida iyo Jidirta kutaal ay dugul madow tahay, sidoo kale lo’ irmaan ah iyo Sumal idaad oo xamil lagu xanibay ayaa wada daaqayay Banka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Galmudug  Maxamed xaashi dhoore ayaa bulshada deegaanka Bangeelle u balan qaaday in kor loo qaadayo wacyigalinta ardyada deegaanka.

“Waxaan bulshada reer Bangeelle si gooni ah ugu ballan qaadnay sameynta wacyigelin iyo talooyin muhiim ah oo ardayda laga siinayo iskuulada Bangeelle iyo guud ahaan Galmudug ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka waxbarashada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi dhoore.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories