HomeWararTaliyaha Ciidanka Booliska Dowladda oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug, kuwo ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan iyo Saraakiil kale. Ujeedka Taliye Cabdi […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug, kuwo ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan iyo Saraakiil kale.

- Advertisement -

Ujeedka Taliye Cabdi Xasan Xijaar ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay mid la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalka ku samaynayo deegaanada dawlad Goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garoowga sugidda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Xijaar ayaa kulan la qaadan doona Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug iyo Taliyeyaal kale, isagoo kala hadli doono arrimo la xiriira sugida amniga deegaanada Maamulka.

Safarka Taliye Xijaar ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug uu ansaxiyey Sharciga dhismaha Booliska Galmudug oo amniga kala wareegaya kuwa Faderaalka ee haatan maamula saldhigyada iyo baraha kale ee baraha Koontaroolada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories