HomeWararR/Wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia oo ku laabanaya Hargeysa iyo sababta

R/Wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia oo ku laabanaya Hargeysa iyo sababta

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa la sheegay inuu dib ugu laaban doono Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Sababta keentay in Maxamed Carte iska Casilo xubinimadii Baarlamaanka dalka  ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go’aan ku gaaray inuu tego Hargeysa […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa la sheegay inuu dib ugu laaban doono Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Sababta keentay in Maxamed Carte iska Casilo xubinimadii Baarlamaanka dalka  ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go’aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanyo Aabihiis Cumar Carte Qaalib, uuna doonayo inuu soo arko.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay inuu cafiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, kadib markii labada dhinac uu dhex-maray  wada-haddalo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu tixgeliyay Codka uga yimid oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xauunsanyahay.

Sidoo kale Qoraalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu xusay in Maxamed Cumar Carte uu ka laabtay fikirkii hore oo looga jeedo inuu iska Casilay xubinimadii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa dhankooda uga digay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka inuu tego Magaalada Hargeysa, iyagoona tegitaankiisa Caasimadda Somaliland shuruud uga dhigay ka tanaasulka fikirka midnimadda Soomaaliya.

Hoos ka Akhiso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories