HomeWararSaciid Deni oo shaaciyay in uusan fulin heshiiskii ay la galeen DP-WORLD

Saciid Deni oo shaaciyay in uusan fulin heshiiskii ay la galeen DP-WORLD

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkadda DP-WORLD oo gacanta ku heysa Dekadda Magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni oo Khubad ka jeediyay Munaasabad lagu daah-furayay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay la socoto dhibaatada ay Ganacsatada iyo shacabka ku qabaan Dekadda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkadda DP-WORLD oo gacanta ku heysa Dekadda Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo Khubad ka jeediyay Munaasabad lagu daah-furayay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay la socoto dhibaatada ay Ganacsatada iyo shacabka ku qabaan Dekadda Boosaaso, xili xeebta ay horey ugu xayir meeyeen doomo siday Shixnado Ganacsi.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweye Saciid Deni in weli uusan fulin heshiiska sanadkii 2017-kii dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkadda DP-WORLD, isla markaana Xukuumaddiisa ay arrimaha Dekadda wax ka qaban doono.

“ DP-WORLD waxaa noo socda wada-hadallo, waxaan rabnaa in aan dekedda Boosaaso ka gaarno xal aan saameyn ku yeelan xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Puntland, dadku ha nagu kalsoonaadaan” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Carabka ku dhuftay inay ka Jawaabi doonaan cabashada kasoo yeertay shacabka iyo Ganacsatada ee ku aadan Dekadda Boosaaso, xili Ganacsatada qaarkood ay sheegeen in dhibaatada ku qabaan Dekaddaas oo carro farabadan dhuux-dhaafisay marinada doomaha.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Xariirka Imaaraatka iyo Puntland ayuu Saciid Cabdullaahi Deni ku sheegay in ay ku dadaalayaan in uusan saameyn kuyeelan arrint DP-WORLD, kadib markii uu sheegay in Shirkadda  aysan weli fulin Heshiiskii ay la galeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories