HomeWararMadaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay wafdi ka socday K/Galbeed

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay wafdi ka socday K/Galbeed

Date:

Related stories

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo oo halkaas gaaray. Madaxweyne Saciid Deni iyo Guddoomiye Maxamed Nuur Maxamed ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay labada maamul iyo xoojinta heshiiyada labada dhinac. Saciid Cabdullaahi Deni oo Qoraal soo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo oo halkaas gaaray.

Madaxweyne Saciid Deni iyo Guddoomiye Maxamed Nuur Maxamed ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay labada maamul iyo xoojinta heshiiyada labada dhinac.

- Advertisement -

Saciid Cabdullaahi Deni oo Qoraal soo saaray ayuu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi  oo dhinac walba ah, waxaana bogaadiyay horumarinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Baarlamaanada labada maamul.

“Runtii Puntland iyo Koonfur Galbeed waxaa ka dhexeeya xiriir iskaashi oo dhinac walba ah, waxaana bogaadinaya horumarinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Baarlamaanada labada maamul” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha  ku wehlinaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, labada guddoomiye ku-xigeen iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo wafdi Xildhibaano ah ayaa Maanta Magaalada Garoowe uga qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories