HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo la kulmay Taliyaha Booliska Soomaaliya  

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Taliyaha Booliska Soomaaliya  

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Goordhow xafiiskiisa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray halkaas. Madaxweyne Qoorqoor ayaa Taliye Xijaar iyo wafdiga saraakiisha ah ee la socday ka xog-wareystay safarkood ay ku tageen Dhuusamareeb, sidoo kale hadlay Arrimo kala duwan oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Goordhow xafiiskiisa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray halkaas.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Taliye Xijaar iyo wafdiga saraakiisha ah ee la socday ka xog-wareystay safarkood ay ku tageen Dhuusamareeb, sidoo kale hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan Ciidamada Booliska.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo Taliayah Ciidanka Booliska ayaa kala wada hadlay dib u habeyn lagu sameeyn doono Ciidamada Booliska ee dowlad Goboleedka Galmudug ka howlgala, waxaana kulnka Qoorqoor ku wehlinayay Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyaha Dhuusamareeb.

Taliye xijaar ayaa sheegay in Ujeedka Dhuusamareeb u tageen uu yahay mid la xiriira  sahan ballaaran oo Booliska Federaalka ku samaynayo deegaanada dawlad Goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garoowga sugidda amniga doorashooyinka.

Socdaalka Taliye Xijaar ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug uu ansaxiyey Sharciga dhismaha Booliska Galmudug oo amniga kala wareegaya kuwa Faderaalka ee haatan maamula saldhigyada iyo baraha kale ee baraha Koontaroolada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories