HomeWararJames Swan “Ma jiro qof raba in Soomaaliya ay gasho Jahwareer siyaasadeed”

James Swan “Ma jiro qof raba in Soomaaliya ay gasho Jahwareer siyaasadeed”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021. James Swan oo la hadlayey warbaahinta Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay QM ay ka go’an tahay taageeridda Soomaalida iyo mustaqbalkaba, […]

- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

James Swan oo la hadlayey warbaahinta Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay QM ay ka go’an tahay taageeridda Soomaalida iyo mustaqbalkaba, sidii loo qaban lahaa doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay James Swan in QM iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololeenayeen in Doorasho qof iyo Cod ka dhacdo dalka, hayeeshee taas ay suuragal noqon weyday, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen in la aado Doorasho dadban.

“Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay in ay doorato hogaamiyeyaasheeda” ayuu ku jawaabay Swan Su’aalo la weydiiyay. “Walow ay suurto gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weennahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Majiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed”

Ugu dambeyn waxa uu muujiyey in uu ka rejo weyn yahay in la fulin doono nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, taas oo ay ku jirto qoondada 30% ee Haweenka ku metelaya barlamaanka Federalka ah, iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista in ay noqoto mid ballaarisa, wuxuuna ku baaqay in habraaca xulista laga qeybgaliyo ururdada bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Dowladaha Xubnaha ka aha Dowladda Federalka ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories