HomeWararGuddiga baarista dhacdadii Kenya ee Ceel-waaq oo Natiijo hordhac ah soo saaray

Guddiga baarista dhacdadii Kenya ee Ceel-waaq oo Natiijo hordhac ah soo saaray

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddiga dowlad Goboleedka Jubbaland ay u xil-saartay baaritaanka dadkii Ciidanka Kenya ay ku dileen deegaan hoostega Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay natiijo hordhac ah oo ku aadan baaritaankii ay sameeyeen. Guddiga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya 22-kii bishii September 2020  afar ruux ka kexeeysteen deegaan Yaadho hoostega Ceel-waaq, isla markaana hal ruux la […]

- Advertisement -

Guddiga dowlad Goboleedka Jubbaland ay u xil-saartay baaritaanka dadkii Ciidanka Kenya ay ku dileen deegaan hoostega Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay natiijo hordhac ah oo ku aadan baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya 22-kii bishii September 2020  afar ruux ka kexeeysteen deegaan Yaadho hoostega Ceel-waaq, isla markaana hal ruux la dilay, halka saddex kalena ay Guddiga dib ugu celiyeen qoysaskoodii marka hore laga watay.

- Advertisement -

Guddiga baarista dhacdada ee Jubbaland ayaa sheegay inay wada-haddalo xiligaan kula jiraan dowladda Kenya, ayna doonayan inay dib uga soo celiyaan Afar ruux oo heystaan, dhawaana ay dadkaas soo celinayaan.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay Afartaas ruux ka qabteen agagaarka koontiga Wajeer, kadibna ay afduubteen.

Sidoo kale Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay Gudigga loo xilsaaray dhacdadaan ayaa sheegay in lagu guuleystay wejiga Koowaad ee baartitaanka falkii geysteen Ciidanka Kenya, isla markaana ay weli socdaan baaritaano kale, ayna natiijada la wadaagi doonaan shacabka.

- Advertisement -

Gudigga ayaa Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool degmadaasi, iyagoona la wadaagay natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday baaritaanka.

Ciidanka Kenya ayaa dad shacab ah oo waxba galabsan ku dilay deegaan Yaadho oo hoostega Ceel-waaq, halka kuwo kalena ay afduubteen, waxaana dhacdadooyinkaas ka dhashay Banaanbax xoogan oo looga horjeeday Kenya oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories