HomeWararDEG DEG:-RW ku-xigeenkii hore ee Somalia oo gaaray Magaalada Hargeysa

DEG DEG:-RW ku-xigeenkii hore ee Somalia oo gaaray Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Cigaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Maxamed Cumar Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Eheladiisa oo in muddo ah aysan is arag. Socdaalka Hargeysa uu ku tegay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Maxamed Cumar Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Eheladiisa oo in muddo ah aysan is arag.

- Advertisement -

Socdaalka Hargeysa uu ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid uu ku doonayo in uu ku arko Aabihiis Cumar Carte Qaalib oo ku xanuunsanayo halkaas, sidoo kalena ah siyaasi Caanka ah.

Kahor tegitaanka Maxamed Cumar ee Hargeysa ayaa waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana tixgeliyay Codka uga yimid  Maxamed oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xauunsanyahay.

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa la sheegay inuu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go’aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanyo Aabihiis Cumar Carte Qaalib.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories