HomeWararDad buux-dhaafiyay Isbitaalka Boosaaso uu ku yaallo Meydka Gabar la dilay

Dad buux-dhaafiyay Isbitaalka Boosaaso uu ku yaallo Meydka Gabar la dilay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa maalin labaad Isbitaalka Magaalada Boosaaso yaalla Meydka Gabar yar oo shalay laga helay waddo ku taalla xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, taasi oo kamid aheyd dadka deegaanka, si arxan darro ahna loo dilay. Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa sheegaya in saakay Isbitaalka ay buux-dhaafiyeen boqolaal qof oo doonaya inay arkaayan Meydka Gabdha yar […]

- Advertisement -

Waxaa maalin labaad Isbitaalka Magaalada Boosaaso yaalla Meydka Gabar yar oo shalay laga helay waddo ku taalla xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, taasi oo kamid aheyd dadka deegaanka, si arxan darro ahna loo dilay.

Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa sheegaya in saakay Isbitaalka ay buux-dhaafiyeen boqolaal qof oo doonaya inay arkaayan Meydka Gabdha yar oo weli la la’yahay eheladeeda iyo dadkii dhalay.

- Advertisement -

Dad dul-tegay Meydka Gabadha oo lagu qiyaasay 14-sano Jir ayaa sheegaya in Gabadha ay ka muuqdan dhaawacyo Culus oo loo geystay, sidoo kalena lama oga wax loo adeegsaday falkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dad shacab ah ay  iska uruuriyeen lacagta Talaagada lagu rido meydka, kadib markii saacado badan uu Meydka Gabadha saarnaa dhagaxa loogu talagalay in la saaro Meydadka.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dilka loo geystay gabadha yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa aad u hadalka haaya dhacdadaan, waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen inay ka xun yihiin falka dhacay, sidoo kalena laamaha amniga Puntland ugu baaqay inay baaritaano deg-deg ah sameeyaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories