HomeWararCiidan kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo Israsaaseeyay iyo Khasaare ka dhashay

Ciidan kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo Israsaaseeyay iyo Khasaare ka dhashay

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Israaseeyn kooban oo Caawa dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya, waaxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira dhacdadaasi. Deegaanka Ceel-dheer oo hoosyimaada Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa in ay Caawa isku Rasaaseeyeen Ciidanka Dowladda, waxaana ay kala ahaayeen sida wararku […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Israaseeyn kooban oo Caawa dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya, waaxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira dhacdadaasi.

Deegaanka Ceel-dheer oo hoosyimaada Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa in ay Caawa isku Rasaaseeyeen Ciidanka Dowladda, waxaana ay kala ahaayeen sida wararku sheegayaan Boolis iyo Millateri.

- Advertisement -

Sababta keenyay in ay is rasaaseeyaan Ciidanku ayaa lagu sheegay kala shaki soo kala dhex-galay labada Ciidan ee kala ah Boolisla iyo Millateriga Soomaaliya, waxaana agga is rasaasayntu ka dhacday uu yahay mid Furun ah oo Ciidan farabadan la geeyay, waxaana ay Ciidanku halkaas ku leeyihiin fariisimo waa weyn oo laga difaaco Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo degaanada ku xeeran.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhaawacmay kaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, waxana dhawaciisa la gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Dhuusamareeb.

Degaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan degaanada ku xeeran Dhuusamareeb aya waxaa la geeyay Ciidan Farabadan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana ay halkaasi ku leyihiin Fariisimo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories