HomeWararBeelo uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay oo la heshiisiiyay

Beelo uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay oo la heshiisiiyay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wada-dega Maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo kahor shaqooyin sababay dhimasho waxaa ay ku dhex-mareen deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhex-galay […]

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wada-dega

Maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo kahor shaqooyin sababay dhimasho waxaa ay ku dhex-mareen deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhex-galay Ciidanka Xoogga dalka.

- Advertisement -

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in mudo bil ay lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kale odayaasha labada dhinac iyo laamaha amniga ayaa ku balamey in la ilaaliyo nabada oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka aanooyinla qabiil.

Sidoo kale Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Matabaan ayaa maalin kahor deegaan hoostega degmadaas ku dilay qof shacab ah, kadib muran soo kala dhex-galay labada dhinac, waxaana socda howlgal lagu raadinayo Askaria dilkaas geystay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay kulan la qaateen qoyska Ninka laga dilay, iyagoo ka dalbaday in dilka uu geystay Askariga uusan isku bedelin aano qabiil, wax kastana la dhameyn doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories