HomeWararAl-shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag

Al-shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen gacanta deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay kala maamulan Puntland iyo Somaliland. Dad ku sugan qeyb kamid ah Sanaag ayaa sheegaya inay arkayeen Al-shaabab oo gudaha uu soo galayay deegaano ka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen gacanta deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay kala maamulan Puntland iyo Somaliland.

Dad ku sugan qeyb kamid ah Sanaag ayaa sheegaya inay arkayeen Al-shaabab oo gudaha uu soo galayay deegaano ka tirsan Gobolka, isla markaana ay la wareegeen, iyada uusan dhicin wax dagaalka ah.

- Advertisement -

War qoraal ah oo Al-shabaab barahooda dhinaca Internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Sanaag.

Sidoo kale Shabaabta ayaa sheegtay inay la kulmeen Waxgarad ku sugnaa deegaanada ay qabsadeen, isla markaana muxaadarro u soo jeediyeen dadka oo ay isugu geeyen goob fagaare ah oo ku taalla halkaas, sidoo kalena gacanta ay ku dhigeen gaari siday Khamri.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku aadan qabshada dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo labada maamul ay ku kala sugan yihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories