HomeWararWasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dib u heshiisiinta (S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax) ayaa Maanta qado ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Qadada ayaa ka dhacday Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska ee S/Guuto Maxamed Abshir Muuse, Iyada oo Saraakiishu ay Xarunta ku soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay la socdeen Wasiirada Amniga Gudaha (Mudane, Xasan Xundubeey) […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dib u heshiisiinta (S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax) ayaa Maanta qado ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Qadada ayaa ka dhacday Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska ee S/Guuto Maxamed Abshir Muuse, Iyada oo Saraakiishu ay Xarunta ku soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay la socdeen Wasiirada Amniga Gudaha (Mudane, Xasan Xundubeey) iyo Cadaalada G/Sare Cabdulkadir Maxamed Nuur (Jaamac).

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xarunta Barbaarinta S/Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ugu horay hadal ka qaatay, ayaa ku soo dhaweeyay waftiga oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano, iyada oo loo mahadciyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo lahaa hal-abuurka iyo fulinta dhagaxdhiga Xaruntaan.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska oo isna joobta joogay ayaa soo dhaweeyay, una mahadceliyay Wasiirka. Intaa kadib, ayeey carruurtu Soo bandhigeen fankooda, waxaana markiiba loo dhaqaaqay in waftiga lagu Soo warejiyo qeybaha, hooyga, waxbarashada iyo dhamaan laamaha haqab tirka Xarunta Barbaarinta caruurta.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories