HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Dagaalo xoogan oo weli ka socda Gobolka Nagorno-Karabakh

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalo xoogan oo weli ka socda Gobolka Nagorno-Karabakh

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Dagaallo culus ayaa wali ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, iyadoo dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ay midba tan kale ku eedeynayso in ay ka danbeeyso duqeyn loo geysanayo deegaannada ay ku badan yihiin rayidka.

Maamul hoosaadka dadka Armeeniyaanka ah ee deggan Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in gantaallo xalay laga soo tuuray Azerbaijan ay ku dheceen degmada Martakert iyo xaafado dhowr ah oo ku yaalla gobolka Martuni.

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegeen in dhankooda laga dilay 927 askari iyo 30 qof oo rayid ah.

Milatariga Azerbaijan wali ma xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha ka soo gaaray dagaalka, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in 63 qof oo rayid ahi ay ka dhinteen halka 292 kalana ay dhaawacmeen.

Waxaa wali socda dadaallo diblumaasiyadeed oo caalami ah oo lagu doonayo in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac.

- Advertisement -

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay wasiirrada arrimaha dibadda ee Armenia iyo Azerbaijan in dagaalka lasoo afjaro lana badbaadiyo dadka rayidka ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories