HomeWararSomaliland oo walaac xoogan ka muujisay soo laba kacleynta Cudurka COVID-19

Somaliland oo walaac xoogan ka muujisay soo laba kacleynta Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliland ayaa hadashay soo laba kacleynta uu waddamo dhowr ka sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus, xili kumanaan kun oo qof ay Caalamka ugu dhinteen Cudurkaas. Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah, uuna mar kale kusoo […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliland ayaa hadashay soo laba kacleynta uu waddamo dhowr ka sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus, xili kumanaan kun oo qof ay Caalamka ugu dhinteen Cudurkaas.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah, uuna mar kale kusoo laba kacleeyay dalal ku yaalla Caalamka, ayna jirin weli Daawo rasmi ah oo loo helay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar Cali in aysan jirin kiisas labadii maalin ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay deegaanada Somaliland, hayeeshee haatan ay walaac farabadan ka qabaan Cudurka, xili halkaas ay ugu dhinteen dad ku dhow 100 qof, sidoo kalena uu ka dhacay dad farabadan.

Jabuuti ayuu sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland inay qaaday tallaabooyin hor leh oo lagu xakameynayo isu socodka Bulshada, si looga hortego faafitaan uu sameeyo Cudurka COVID-19, maadaama uu soo laba kacleeyay.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cumar Cali Cabdullaahi ayuu qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool deegaanada Somaliland ugu baaqay inay sameeyaan taxadir dheeraad, si looga hortego Cudurka, ayna qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Awdal ay ku wareejiyeen gaari nooca gurmadka deg-dega ah iyo agabyo kale, sidoo kalena ay Xarumo Caafimaad ka dhisayaan Magaalada Boorama.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories