HomeWararSaraakiisha DF oo sheegay inay dileen Sarkaal Al-shabaab ah iyo xubno kale

Saraakiisha DF oo sheegay inay dileen Sarkaal Al-shabaab ah iyo xubno kale

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka DANAB ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu xubnahaas ku jiray Sarkaal la […]

- Advertisement -

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka DANAB ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu xubnahaas ku jiray Sarkaal la sheegay inuu Shabaab qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeellooyinka.

- Advertisement -

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa u sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman), uuna Al-shabaab u qaabilsnaa Maaliyadda Shabeellooyinka.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacago, iyagoo Ciidanka soo saaray miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah oo la geliyay waddooyin ku yaalla halka howlgalka laga fuliyay.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa horey howlgalo kala duwan oo ka dhan ah Al-shabaab uga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay iyaguna weeraro ku qaadeen Saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka dowladda  iyo kuwa AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories