HomeWararPuntland oo gacanta ku dhigtay doonyo laga leeyahay mid kamid ah dalalka...

Puntland oo gacanta ku dhigtay doonyo laga leeyahay mid kamid ah dalalka Carabta

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa gelinkii dambe ee Maanta howlgal qorsheysan oo dhinaca badda ah ka fuliyay xeebaha deegaano ka tirsan Puntland. Ciidanka PSF oo watay doonyo nooca dheereeya ayaa howlgalka badda sigaar ah uga sameeyay xeebaha Ceelaayo, Cadcado iyo degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kadib markii Ciidanka ay xog ka heleen […]

- Advertisement -

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa gelinkii dambe ee Maanta howlgal qorsheysan oo dhinaca badda ah ka fuliyay xeebaha deegaano ka tirsan Puntland.

Ciidanka PSF oo watay doonyo nooca dheereeya ayaa howlgalka badda sigaar ah uga sameeyay xeebaha Ceelaayo, Cadcado iyo degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kadib markii Ciidanka ay xog ka heleen xeebaha howlgalka laga fuliyay.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ciidanka PSF ayaa waxaa lagu sheegay in Ujeedka howlgalka badda looga sameeyay uu ahaa mid lagu doonayay in looga hortego kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebaha, ayna Ciidanka heleen xog arrintaas ku aadan.

“Ciidanka PSF waxay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray,Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas  oo ay ciidankaPSF heleen xogtooda” ayaa lagu yiri Qoraalka Ciidanka PSF”

Ugu dameyn Saraakiisha hoggaamiyay howlgalkii Maanta ayaa sheegay in Ciidanka ay qabteen doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories