HomeWararNin hubeysan oo Dil ka geysan rabay Magaalada Muqdisho oo la toogtay

Nin hubeysan oo Dil ka geysan rabay Magaalada Muqdisho oo la toogtay

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka Ciidanka dowladda Federaalka oo Goordhaweyd Nin hubeysan oo dil u geysan rabay ku toogtay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninkaas oo ku hubeysnaa Bastoolad uu doonayay inuu dilo Askariga oo ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo ku taalla Xaafadda Jamhuuriya […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka Ciidanka dowladda Federaalka oo Goordhaweyd Nin hubeysan oo dil u geysan rabay ku toogtay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninkaas oo ku hubeysnaa Bastoolad uu doonayay inuu dilo Askariga oo ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo ku taalla Xaafadda Jamhuuriya ee kaaraan, hayeeshee Askariga uu Ninkii hubeysnaa toogtay.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ninka la dilay uu la socday ruux kale oo isna hubeysan, kaasi oo si deg deg ah u baxsaday goobta sida la sheegay markii uu maqlay dhawaqa rasaasta lagu dhuftay Ninkii la socday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana qaaday Meydka Ninkii hubeysnaa ee la dilay, kaasi oo doonayay inuu toogto Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaaalka.

Ilaa iyo hadda  ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka iyo Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan falkaas ka dhacay xaafadda Xaafadda Jamhuuriya ee degmadaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories