HomeWararMusharax Joe Biden oo Somalia ka saaraya Liis madow uu horey u...

Musharax Joe Biden oo Somalia ka saaraya Liis madow uu horey u geliyay Trump

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Machadka Heritage Foundation ayaa sheegay in Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu qorsheynayo in markii loo doorto xilka Madaxweynaha Mareykanka uu dalka Soomaaliya ka qaadi doono xayiraada ka saaran socdaalka Mareykanka. Warbixinta uu daabacay Machadka Heritage ayaa lagu sheegay in Joe Biden uu doonayo inuu Soomaaliya ka saaro Liiska dalal uu horey Madaxweyne Donald Trump […]

- Advertisement -

Machadka Heritage Foundation ayaa sheegay in Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu qorsheynayo in markii loo doorto xilka Madaxweynaha Mareykanka uu dalka Soomaaliya ka qaadi doono xayiraada ka saaran socdaalka Mareykanka.

Warbixinta uu daabacay Machadka Heritage ayaa lagu sheegay in Joe Biden uu doonayo inuu Soomaaliya ka saaro Liiska dalal uu horey Madaxweyne Donald Trump ugu soo rogay xayiraad dhanka socdaalka, isagoo ku eedeeyay dalalkaas inay ku badan yihiin ururo Argagixiso oo xiriir la leh Al-Qaacida.

- Advertisement -

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa tilmaamay in haddii la doorto uu gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta sharciga aan heysan.

Sidoo kale Machadka Heritage  ayaa xusay in Joe Biden uu qorsheynayo in meesha uu ka saaro isku dayga Madaxweyne Trump  uu ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay Caruurtooda ku heysanyaan markii ay galaan gudaha Mareykanka.

2017-kii ayay aheyd markii Trump uu soo saaray Go’aan muwaadiniinta dalal ay ku jiro Soomaaliya looga mamnuucay socdaalka Mareykanka, xili uu ku eedeeyay in dalalkaas ay ku xoogan yihiin ururo gacansaar la leh Al-Qaacida,  waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya, Iiraan, Yemen iyo Ciraaq.

- Advertisement -

Si kastaba Doorashada ka dhaceysa dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa inay bilaabato bisha soo socota ee November saddexdeeda, waxaana Doorashada ku loolamaya Musharaxiin dhowr ah uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories