HomeWararMuqdisho: Waddo muhiim ah oo sanado u xirneyd Safaarad oo dhagxaantii laga...

Muqdisho: Waddo muhiim ah oo sanado u xirneyd Safaarad oo dhagxaantii laga qaaday

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Waxaa Maanta muddo kadib dhagxaantii taallay laga qaaday waddo muhiim oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan mida isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo Tarabuunka oo in muddo ah aan la isticmaalin. Safaaradda Qatar ayaa si rasmi ah uga guurtay dhismihii ay ka deganeyd wadada Maanta la furay oo u xirneyd, isla markaana waxaa gebi ahaan […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta muddo kadib dhagxaantii taallay laga qaaday waddo muhiim oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan mida isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo Tarabuunka oo in muddo ah aan la isticmaalin.

Safaaradda Qatar ayaa si rasmi ah uga guurtay dhismihii ay ka deganeyd wadada Maanta la furay oo u xirneyd, isla markaana waxaa gebi ahaan laga qaaday dhagxaan waaweyn, Carro farabadan oo difaac ah iyo birro lagu jaray.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday wadada ayaa muujinayay in dhagxaanta lagu qaaday gaadiidka loogu tala-galay in lagu qaado dhagxaanta waaweyn, sidoo kalena la burburinayay difaacyo sannado ka dhisnaa wadadaas oo muhiim  u ah  isku socodk gaadiidka iyo dadweynaha.

Weli lama oga halka ay u guurtay Safaaradda Qatar ee Soomaaliya oo ka guurtay wadada la furay, waxaana tallaabada lagu furay wadada ay timid, kadib markii cabasho xoogan kasoo yeertay shacabka oo ku aadan cariiri iyo Jaam farabadan oo ka jira waddooyinka ku yaalla Caasimadda dalka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dib u furista wadadan uu horey isugu dayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen. Muungaab, hayeeshee tallaabadaas ay kasoo horjeeysteen Madaxda dowladda Federaalka iyo hay’addaha amniga.

- Advertisement -

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey dhagxaantii ay ku xirtay waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ka qaaday, waxaana la dhigay waddooyin ku yaalla dhinaca Warshadaha, halka la sheegay in kuwo kalena la doonayo in la furo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories