HomeWararMeydka Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay oo laga...

Meydka Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay oo laga helay Boosaaso

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta xaafad ka tirsan Magaaladaas laga helay Meydka gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay. Meydka gabadha ayaa lagu arkay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana waxaa dad dul tegay Meydka ay sheegeen in wejiga […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta xaafad ka tirsan Magaaladaas laga helay Meydka gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay.

Meydka gabadha ayaa lagu arkay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana waxaa dad dul tegay Meydka ay sheegeen in wejiga Gabdha ay ka muuqdeen dhaawacyo Culus oo loo geystay.

- Advertisement -

Sidoo kale dad ku sugan Boosaaso ayaa ku warramay in weli la aqoonsan yahay Meydka gabdha yar ee la helay, waxaana la geeyay Isbitaalka guud ee Magaalada, iyadoona halkaas ay tageen boqolaal qof oo doonayay inay arkaan Meydka gabadha.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dilka loo geystay gabadha yar oo kamid aheyd dadka deegaanka, ilaa iyo haddana lama oga sababta loo dilay, halka wax loo adeegsaday falkaas.

Dadka deegaanka ayaa Maanta aad u hadalka haaya dhacdadaan, waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen inay ka xun yihiin falka dhacay, sidoo kalena laamaha amniga Puntland ugu baaqay inay baaritaano deg-deg ah sameeyaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories