HomeWararGolaha Shacabka oo Maanta Codka kalsoonida u qaadaya G/Wasiirada Cusub

Golaha Shacabka oo Maanta Codka kalsoonida u qaadaya G/Wasiirada Cusub

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ah ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ah ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horreeysay loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inuu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada oo laga sugayo shaqooyin farabadan.

Maalmihii lasoo dhaafay Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadanayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoona ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan, lana shaqeeyaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay Codka kasoonida ah siiyaan Golaha Cusub, isagoona u rajeeyay in Codsigiisa la fulin doono, isla markaana  la ansixin doono xubnaha magacaaban.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii la ansixiyo waxaa horyaalla shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo inay qeybtan,  waxaana qeyb ka tahay dardar-gelinta Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021 , iyagoona heysta muddo kooban, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uu  waqti yar ka harsan yahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories