HomeWararDil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka oo habeenkii aheyd lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay dileen Sarkaalka Ciidanka, xili uu ku sugnaa Garaash ku yaalla xaafadda Kurdamac ee degmada Deyniile, isagoo […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka oo habeenkii aheyd lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay dileen Sarkaalka Ciidanka, xili uu ku sugnaa Garaash ku yaalla xaafadda Kurdamac ee degmada Deyniile, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay

- Advertisement -

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magacaabiisa lagu sheegay Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere), waxaana la tilmaamay in xiligii la dilayay uu weeyso qaadanayay salaadii maqrib ee xalay.

Ragii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka, iyagoona qaaday Meydka Xuseen Sandheere.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan raggii ka dambeeyay falkii  ka dhacay degmada Deyliine ee Gobolka Banaadir, hayeeshee dilkaas ayaa waxaa uu ka qeyb noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories