HomeWararAskari Dil bareer ah u geystay qof shacab ah iyo howlgal socda

Askari Dil bareer ah u geystay qof shacab ah iyo howlgal socda

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa dil bareer u ah geystay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas. Dilka loo geystay qofka shacabka oo Nin ahaa ayaa ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo qofka la dilay uu soo kala dhex-galay muran kooban oo aan […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa dil bareer u ah geystay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.

Dilka loo geystay qofka shacabka oo Nin ahaa ayaa ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo qofka la dilay uu soo kala dhex-galay muran kooban oo aan faah faahin laga helin, hayeeshee Askariga uu carooday, kadibna uu rasaas ku furay Ninkaas.

- Advertisement -

Saraakiil katirsan Taliska Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyagoona kulan la qaatay qoyska iyo Ehelada Ninka laga dilay.

Abaanduulaha Taliska Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo hoggaaminayay Ciidanka tegay degmada Matabaan ayaa la sheegay inuu ku guuleystay in qoyska Ninka laga dilay uu ku qanciyo in dilkaas uusan isku bedelin aano qabiil, wax kastana la xalin doono.

Sidoo kale Taliyaha Booliska degmada Matabaan ayaa sheegay in si deg deg ah laamaha amniga degmada ay gacanta ugu soo dhigi doonaan Askarii ka dambeeyay dilkii halkaas ka dhacay, isla markaana la bilbaabay howlgal lagu raadinayo Askariga.

- Advertisement -

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal la xiriira aano qabiil oo markii dambe isku bedela dagaal beeleedyo dhexmaraya maleeshiyaad hubeysan oo wada dega Gobolka Hiiraan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories