HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ay sheegaya in Saldhig Ciidanka AMSIOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaas lagu qaaday weerar loo adeegsaday madaafiic xoogan. Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in la maqlayay dhawaqa madaafiic oo qaarkood ku dhacay meel ku dhow Garoonka, dhanka Ciidanka AMSIOMna […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ay sheegaya in Saldhig Ciidanka AMSIOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaas lagu qaaday weerar loo adeegsaday madaafiic xoogan.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in la maqlayay dhawaqa madaafiic oo qaarkood ku dhacay meel ku dhow Garoonka, dhanka Ciidanka AMSIOMna ay tureen madaafiic kale oo Jawaab ahaa oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

- Advertisement -

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iska horimid uu dhexmaray rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidanka Jabuuti oo kasoo baxay Saldhiga ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo Iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac, isla markaana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha AMSIOM oo ku aadan weerarkii dhacay.

Al-shabaab ayaa marar horey weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday Saldhiga Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Garoonka Dhuusamareeb, waxaana xusid mudan Madaafiic Jawaab ah oo ay tureen AMSIOM ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories