HomeWararTaliska Booliska Baladweyne oo joojiyay Bannaanbax  socday

Taliska Booliska Baladweyne oo joojiyay Bannaanbax  socday

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Iyadoo la filyay in saaka uu bannaanbax ballaarani uu ka billowdo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hor yimid bannaanbaxaas maamulka iyo laamaha ammaanka Blaadweyne, waxaana ay sheegeen in aan wax bannaanbax ah la qaabn karin. Taliyaha Booliska degmada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamed Rooble  (Qorsheele) ayaa sheegay in aysan laamaha aammaanka aysan ogayn aan la […]

- Advertisement -

Iyadoo la filyay in saaka uu bannaanbax ballaarani uu ka billowdo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hor yimid bannaanbaxaas maamulka iyo laamaha ammaanka Blaadweyne, waxaana ay sheegeen in aan wax bannaanbax ah la qaabn karin.

Taliyaha Booliska degmada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamed Rooble  (Qorsheele) ayaa sheegay in aysan laamaha aammaanka aysan ogayn aan la qaban karin, waxaana uu digiin u diray dad la sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay bannaanbaxyo waa weyn kaga Abaabuli laahayeen Magaalada Baldweyne iyo guud ahaan degaanada Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Bannaanbaxa oo saaka loo ballansanaa ayaa waxaa la filayay in ay dhigaan bulshada ku nool Baladweyne iyo degaanada kale ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku muujinayeen sida ay kaga xun yihiin qaabka la doonayo in lagu dhiso maamulka Hirshabeelle, oo la sheegayo in Bulshada Gobolka Hiiraan ay ka xumaadeen isbeddel la doonayo in lagu sameeyo awood qaybsiga maamulka Hirshabeelle.

Shalaya ayaa waxaa dhacay bannaanbax kooban, balse waxaa maanta lagu madalsanaa in bannaanbax weyn uu qabsoomo, balse Taliska Booliska ayaa si cad uga hor yimid bannaanbaxaasi sida wararku sheegayaaan.

Qaar ka mid ah dadka doonayay in ay dhigaan Bannaanbaxa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin tallabada uuu qaaday maaamulka iyo laamaha ammaanka ee ay kaga hor yimaadeeen isku soo baxaasi ay sheegeen in ay ku cabbiri laahaayeen dareenkooda ku aaddan dhisidda maamulka Maamulka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Hirshabeelle ayaa waxaa dhawaan ka dhici doonta doorasho, waxaana xusid mudan in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay wax ka beddel ku sameyso Awood qaybsiga horay loogu soo dhisay Madaxda xilkoodu dhacayo, waxaana arrintaasi si weyn walaac kaga muujiyay Bulshada iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories