HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed?

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed?

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo Warbixino kala Duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada,Sportska,iyo Dekedaha. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo Warbixino kala Duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada,Sportska,iyo Dekedaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalkii udambeyey ay Sameeyen Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad ee Fariisinka ku leh Degmada Diinsoor Waxaana Wasiirka Xusay in Howlgalka ay sameeyen Ciidanka ay kuso qabsadeen Hub sido kale Qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Maleshiyada Argigixisada Alshabaab Wasiirka Amniga ayaa sido kale Amaanay Ciidanka Amniga Magaalada Baydhabo sida ay Ufashiliyeen Qarax la Doonayey in lagu Dhibaateeyo Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo kaasi oo Xalay lagu fashiliyey Duleedka Magaalada Baydhabo lagana Hortagay Dhagarta Argigixisada ay ku dhibataynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowlada Koonfur Galbeed oo isna warbixin ku saabsan waxbarashada ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Sedaxdii bilood udambeyey Waxyaabaha uqabsoomay Wasaaradda Dhinacyada Baahinta Manhajka,Dib-udhiska Goobaha Waxbarashada iyo Udiyaargarowga Sanadaha soo socda sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada Deeganada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Koonfur Galbeed Aaba,aawow Xaaji Suufi ayaa sheegey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha inay Wado Udiyaar garowga ka Qeybgalka Koob Ciyaareedka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu wado dhaamadka Sanadka in lagu qabto Magaalada Muqdisho Waxaana uu Tilmaamay Wasiirka in haatan Baydhabo Tawabar ugu socdo Qaar kamid ah Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galbeed Dhowaana ay kuso Biiri Doono Ciyaartoydii kale ee laga so Xuley Gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose Wasiir Aaba,aawow ayaa sido kale Xusay in Wasaaradda Dhowaan ay Bilaabayso Dib-udhiska Garoonka kubada Cagta Dr Ayuub ee Magaalada Baydhabo.

Wasiiradaha Wasaaraddaha Arimaha Gudaha,Dekadaha,iyo Howlaha Guud ayaa sido kale Golaha Warbixin ka siiyey Waxyaabaha uqabsoomay.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay uhayaan Shacabka waxaana uu ku dhiirageliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koonfur Galbeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories