HomeWararFaah faahino:- Dagaal ka dhacay duleedka Beled-Xaawo

Faah faahino:- Dagaal ka dhacay duleedka Beled-Xaawo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan ka helayno degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Xalay dagaal xooggani uu ka dhacay duleedka Degmadaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira dagaalkaasi. Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolkaasi Gedo, […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Xalay dagaal xooggani uu ka dhacay duleedka Degmadaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira dagaalkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolkaasi Gedo, gaar ahaan duleedka degmada Balad Xaawo.

- Advertisement -

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in ay Maqlayeen daryanka hubka ay labada dhinac isku adeegsanayeen, waxaana ay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid kooban, ayna dhinacyadu muddo saacado ah ay dagaalamayeen,iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wali ma cadda Khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas waxaana dadka degaanku ay soo warinayaan in ay macquul taahay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas, Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gedo iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay in uu ka dhacay duleedka balad Xaawo.

Ciidanka Kenya ee  ku sugan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo ayaa dhibaato farabadan waxaa ay ku hayaan dadka degaan, waxaana mar waliba ay si bareer ah u xasuuqaan dadka shacabka, taasi oo mararka qaar keenta in Ciidanka Dowladda Soomaaliya eek u sugan degaanadaasi ay tallaabo qaadaan, waxaana dhawaan Ciidanka Kenya ay duleedka Ceel-waaq ku Xasuuqeen dad shacab ah, waxaan dhowr maal mood socday bannaanbaxyo waa weyn oo arrintaasi looga soo horjeeday.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories