HomeWararDiyaarado dagaal oo lagu arkay Gobolka Gedo iyo dadka degaanka oo walaac...

Diyaarado dagaal oo lagu arkay Gobolka Gedo iyo dadka degaanka oo walaac ka muujiyay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka ka imaanaya degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saaka lagu arkay diyaarado Nooca Qumaatiga u kaca ah oo dul heehaabaya degmooyinka tirsan Gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay arkeen laba diyaaradood oo laga leeyahaay Kenya oo dul maraya inta u dhaxaysa Balad-Xaawo iyo Mandheera, waxaana bulshada degmadu […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saaka lagu arkay diyaarado Nooca Qumaatiga u kaca ah oo dul heehaabaya degmooyinka tirsan Gobolka Gedo.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay arkeen laba diyaaradood oo laga leeyahaay Kenya oo dul maraya inta u dhaxaysa Balad-Xaawo iyo Mandheera, waxaana bulshada degmadu ay sheegayaan in cabsi weyn soo food saartay, iyagoo sheegay in laga yaabo in Diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan.

- Advertisement -

Xalay ayaa duleedka Balad –Xaawo waxaa  ka dhacay dagaal la sheegay in uu dhex maray Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya, Dagaalka oo ahaa mid saacado qaatay ayaaa lagu soo warramayaa in uu dhexmaray, waxaana uu si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Balad Xaawo.

Wali ma cadda Khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas waxaana dadka degaanku ay soo warinayaan in ay macquul taahay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas, Saraakiisha Ciidanka Dowladda eek u sugan Gedo iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay in uu ka dhacay duleedka balad Xaawo.

Waxaana tan iyo markii uu dagaalkaasi dhacay soo baxayay warar kala duwan oo ku aaddan Diyaarado ay leedahay Dowladda Kenya oo dul heehaabaya meelo u dhaw degaaanadii xalay uu iska hor imaadku ka dhacay, waxaana la sheegayaa in Diyaaradahani ay fulin karaan duqeymo ay ka gaystaan Gobolka Gedo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories