HomeCaalamkaDalalka Ruushka iyo Iraan oo la sheegay in ay  hayaan xogta Codbixiyeyaasha...

Dalalka Ruushka iyo Iraan oo la sheegay in ay  hayaan xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xafiiska dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in saraakiil Iran iyo Ruush ahi ay ku lug yeelan doonaan doorashada Mareykanka, sida uu sheegay Agaasimaha Hey’addaas John Ratcliffe. Agaasimaha ayaa sheegay in saraakiil Amerikaan ah heleen xog ku aadan in hanaanka diiwaan gelinta doorashada Mareykanka heystaan sirdoonka Russia iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiiska dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in saraakiil Iran iyo Ruush ahi ay ku lug yeelan doonaan doorashada Mareykanka, sida uu sheegay Agaasimaha Hey’addaas John Ratcliffe.

Agaasimaha ayaa sheegay in saraakiil Amerikaan ah heleen xog ku aadan in hanaanka diiwaan gelinta doorashada Mareykanka heystaan sirdoonka Russia iyo Iran, xilli doorashada Mareykanka  ka harsan tahay 13 maalin oo keli ah.

- Advertisement -

Mr. Ratcliffe, waxaa uu sheegay in sirdoonka Iran oo magaca kale huwan ay Emailo u soo direen codbixiyeyaasha Dimoqraadiga ayagoo abuureya xiisad iyo waxyeeleynta madaxweyne Trump. Isagoo intaas ku daray in xogta codbixinta oo la been abuuray loo ekeysiinayo mid sax ah isla markaana xaalad jahwereer ah keenaysa, taas oo hor seedi karta kalsooni la’aan ku timaada hanaanka dimoqraadiyadda Mareykanka.

Agaasime Ratcliffe, ayaa sidoo kale sheegay in uusan arag saraakiil sirdoonka Russia ka tirsan, laakiin uu aamisan yahay in ay hayaan macluumaadka doorashada Mareykanka ku saabsan.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka waxay sheegeen in hanaanka doorashada Mareykanka uu yahay mid sugan oo lagu kalsoonaan karo,hase ahaatee ma sheegin sida xogtan lagu heley iyo waxa dowladda Russia ka damacsan tahay faragelinta doorashada Mareykanka.

- Advertisement -

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 2016 Kremlin uu farageliyay doorashada Mareykanka ka dib markii loo dhacay xogaha doorashada Mareykanka lana carqaladeeyay murashaxnimada Hillary Clinton. Hase yeeshee Iran wali uma suurtagalin in ay xadaan xogaha doorashada Mareykanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts