HomeWararDagaal ka socda Gobolka Hiiraan iyo khasaare ka dhashay

Dagaal ka socda Gobolka Hiiraan iyo khasaare ka dhashay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan ka helayno degaanno hoostaga Degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Saaka uu halkaasi ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagalkaasi. Dagaalka ayaa u dhexeeya laba malleyshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta Dhul daaqsimeed, waxaana la sheegayaa […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno degaanno hoostaga Degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Saaka uu halkaasi ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhexeeya laba malleyshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta Dhul daaqsimeed, waxaana la sheegayaa in dagaal koodu uu saaka billowday.

- Advertisement -

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalku uu si gaar ah uga dhacay degaanka Xajiin farayar oo u dhexeeya ilguulle iyo bilcille oo hoostaga degmada mataabaan ee Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijayay hal qof ayaa ku dhintay oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaaan uu la xariiraa dagaalku sida ay wararku sheegayaan Aanooyin Qabiil.

Xaaladda degaankii lagu dagaalamay ayaa ah mid kacsan, waxaana wali socda hub uruursi ay wadaan dhinacyada Saaka dagaalamaya, waxaana dadka degaanku aysoo sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan taahay Degaan Xajiin farayar oo ah halka dagaalku ka socdo, walina ay isku hor fadhiyaan malleyshiyaadku.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories