HomeWararXasan Sheekh oo ka hadlay sababta ka hor istaagtay in dalka uu...

Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta ka hor istaagtay in dalka uu gaarsiiyo Doorasho qof iyo Cod

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa waxaa uu kaga hadlay waxa ka hor istaagay inuu dalka Soomaaliya gaarsiiyo inay ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah. Xasan Sheekh ayaa marka hore sheegay in xiligii uu talada dalka qabanayay muddo yar kahor Al-shabaab laga saaray qeybo kamid ah dalka, isla markaana […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa waxaa uu kaga hadlay waxa ka hor istaagay inuu dalka Soomaaliya gaarsiiyo inay ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Xasan Sheekh ayaa marka hore sheegay in xiligii uu talada dalka qabanayay muddo yar kahor Al-shabaab laga saaray qeybo kamid ah dalka, isla markaana gudaha Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah, lana qarxiyay hotelkii uu deganaa markii la doortay kadib, ayna dowladdiisa qaaday weeraro Al-shabaab looga xoreyay deegaano dhowr ah.

- Advertisement -

Sababta dowladdiisa dalka u gaarsiinin Doorasho qof iyo Cod ah ayuu Xasan Sheekh ku sheegay inay tahay in waqti farabadan iyo Kharash ka qaadatay dhimasha afar maamul Goboleeed iyo Arrimo kale oo u baahnaa in dib uhabeyn ballaaran lagu sameeyo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in caqabadaha hortaagan in dalka Soomaaliya lagu qabto Doorasho qof iyo Cod ah ay kamid ah tirakoob la’aan dadka ah oo jirta, looba baahan yahay in tirakoob la helo, si looga ogaado deegaanada lagu kala badan yahay.

Xasan Sheekh ayaa Carabka ku dhuftay in muhiim ay tahay in markii dalka lagu qabanayo Doorasho qof iyo Cod si siman oo cadaalad ah ay ku dhacdo Doorashadaas, hayeeshee arrintaas ay ku imaan karto oo kaliya heshiis siyaasadeed oo la gaaro.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabado badan ay hor istaageen dowladdiisa, balse aysan sax aheyn in lagu qiimeeyo marxaladda hadda la joogo ee ay tahay in dib loogu laabto marxaladihii dalka ka jiray 2012-kii.

Si kastaba hadalka Xasan Sheekh ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo haatan dalka ku jiro marxada kala ah, isla markaana la aaday Doorasho dadban oo ay heshiis ka gaareen  Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories