HomeWararWax ka ogow sababaha keenay in mar kale Wasiir Bidhaan la soo...

Wax ka ogow sababaha keenay in mar kale Wasiir Bidhaan la soo magacaabo?

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiir Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa ka mid noqday Xukuumadda labaad ee mudada xil haynta Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo tii kowaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Walow aad loo sadaalinayey soo laabashada Cabdillahi Bidhaan, hadana waxa uu loolan adag kala kulmay siyaasiin miisaan culus oo ku beel ah, kuwaas oo rabay in ay golaha […]

- Advertisement -

Wasiir Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa ka mid noqday Xukuumadda labaad ee mudada xil haynta Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo tii kowaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Walow aad loo sadaalinayey soo laabashada Cabdillahi Bidhaan, hadana waxa uu loolan adag kala kulmay siyaasiin miisaan culus oo ku beel ah, kuwaas oo rabay in ay golaha wasiirada ee cusub ka mid noqdaan.

- Advertisement -

Hase yeeshee, sida in badan oo ka mid ahaa Xukuumaddii hore ay u soo laabteen, sida Cabdiraxmaan Bayle, Axmed Ciise Cawad, Khadiija Maxamed Diiriye iyo Jamaal Maxamed Xassan ayuu Bidhaan u soo noqday.

Bidhaan oo dadka yaqaan ay ku tilmaan siyaasi dagaal yahan ah, dagan, dad isku wad leh ayaa dhinaca kale waxqabad muuqda ku soo bandhigay Wasaaradda Kalluumeysiga labadii sano iyo dhawrkii bilood ee uu joogay.

Waxyaabaha uu Wasaaradda ku soo kodhiyey waxaa ka mid ah;

- Advertisement -

1-In Wasaaradda uu qaab dhismeed tii uu ugu yimi ka duwan ka sameeyey oo uu waxaaha wasaaradda u dhiibay dhallinyaro aqoon, khibrad iyo fir fircooni isku biirsaday.

2 – Wasaaradda oo door weyn ka ciyaartay dadaaladda dowladda ee deyn cafinta, xilli ay qeyb ka aheyd shuruudihii looga gudbayey SMP-ga.

3 – Waxa uu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyey Wasaaradda iyo kuwa dowlad gobolleedyada oo ay hadda wada-shaqeyn wanaagsan kala dhexeeyso, waxa ay heshiis ka gaareen qeybsiga dhaqaalaha iyo maamulka Kheyraadka ku jira badda.

4 – Waxa uu dagaal xooggan la galay kalluumeysiga sharci darrada ah oo ay ugu dambeeysay Iran oo uu dhawr bilood kahor si cad weerar saxaafeed ugu qaaday.

5 – Waxa uu sharciyeey oo uu dhaqaale badan oo kabay dakhliga dowladda ka saxiixay dalka China. Heshiiska China ayaa ku koobnaa kalluunka guur guura ee loo yaqaan Tuna. Tallaabadaas waxa ay horseed u noqotay in ay dhiirigaliso in sifo sharci ah loo soo maro Kheyraadka dalka iyo maal-gashiga waaxda ganacsiga buluugga ah (Blue Economy).

W/Q:  Jim’aale.

Jimale199@yahoo.com

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories