HomeWararTaliska Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal Culus oo ka dhacay Baay

Taliska Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal Culus oo ka dhacay Baay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka dowladda, kuwa koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Baay. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka dowladda, kuwa koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Mitir oo 11KM u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal  saacado badan qaatay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliye Oadwaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa waxaa uu tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Odawaa oo la hadlaayay warbaahinta dowladda.

Warar madaxa banaan oo laga helayo deegaanka uu dagaalka shalay ka dhacay ayaa sheegaya in Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay.

- Advertisement -

Dagaalkaaas ka dhacay gobolka Baay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xili shalay Ciidanka DANAB howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Saraakiisha dowladda sheegeen in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories