HomeWararMaamul Goboleedyo soo gudbiyay xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashooyinka

Maamul Goboleedyo soo gudbiyay xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Waxaa soo dhamaaday Muddadii 10-ka cisho aheyd ee la filayay in Madaxda dowlad Goboleedyada dalka kusoo magacaaban xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ayaa ku heshiiyay in labada Guddi la soo magacaabo laga bilaabo 10 illaa 20 bishaan Octoober, hayeeshee muddadaas […]

- Advertisement -

Waxaa soo dhamaaday Muddadii 10-ka cisho aheyd ee la filayay in Madaxda dowlad Goboleedyada dalka kusoo magacaaban xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ayaa ku heshiiyay in labada Guddi la soo magacaabo laga bilaabo 10 illaa 20 bishaan Octoober, hayeeshee muddadaas ayaa ku ekeyd shalay, mana jiro weli Maamul Guddi soo magacaabay.

- Advertisement -

Qoraal saddex maalin kahor kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug looga codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada Guddi doorasho iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Warar la helayo ayaa in saddex maamul Goboleed ay soo gudbiyeen xubnaha u metelaya Guddiyadaas, kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, in kastoo aan lagu dhawaaqin Magacyada xubnaha.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diyaariyay xubnaha maamulkiisa ku metelaya Guddiga Doorashada iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaana Puntland iyo Hirshabeelle la filayaa in saacadaha soo socda soo gudbiyanx xubnahooda.

- Advertisement -

Dib u dhaca ku yimid xilliga lagu soo magacaabi lahaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed wuxuu tusaale u yahay in jadwalka doorashada inuu sidaas si la mid ah uu dib u dhac ugu imaan karo, iyadoo bisha November ee soo socota loo asteeyay in qorshaha doorashada in la guda galo, 27 bisha December ay diyaar noqdaan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka Sare.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories