HomeWararKoonfur Galbeed oo AMISOM kala hadashay howlgal waddo furis ah

Koonfur Galbeed oo AMISOM kala hadashay howlgal waddo furis ah

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo arbaco ah lagu qabtay Shirka Golaha amniga oo Todobaadkan looga hadlay arrimo kala duwan. Shirka ayaa inta uu socday looga hadlay Xaaladdaha amniga guud ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMSIOM ka fuliyeen […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo arbaco ah lagu qabtay Shirka Golaha amniga oo Todobaadkan looga hadlay arrimo kala duwan.

Shirka ayaa inta uu socday looga hadlay Xaaladdaha amniga guud ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMSIOM ka fuliyeen deegaanada Maamulkaas.

- Advertisement -

Shirkaan oo shir guddoomiyay Wasiirka amniga KGS Isaag Cali Subag ayaa qodoba looga hadlay waxaa ku jiray u diyaar garoowa howlgalo lagu furayo waddooyinka ay xireen Al-shabaab, kuwaasi oo ku yaalla deegaanada Maamulka.

Saraakiil ka socotay dowladda Ingariiska, Taliska AMSIOM, Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 60-aad iyo laamaha kala duwan ee  amniga Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb qeyb galay shirkaas oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn Wasiir Isaag Cali Subag ayaa Saraakiisha AMISOM ka dalbaday inay ka qeyb qaatan howlgalka waddo fulista ah ee laga fulinayo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, haalkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories